Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska oo u dhaw in kalsoonida lagala noqdo

Ra’iisul wasaaraha Britain Theresa May waxay gelinka dambe ee Arbacada wajaheysaa cadaadis kalsoonida lagala noqonaya.

Xildhibaanada xisbiga muxaafidka ayaa lagu wadaa inay u codeeyaan inta u dhexeysa 18:00 GMT iyo 20;00 GMT xilliga dalkaasi.

Cadaadiska saaran May ayaa imaanaya xilli 48 waraaqadood oo looga soo horjeedo xukamaddeeda laga gudbiyay.

Theresa May ayaa noqotay ra’iisul wasaaraha Britain ,wax yar un kaddib markii xukuumadda UK ay shaaca ka qaaday inay ka baxeyso Midowga Yurub sannadkii 2016-kii.

Tan iyo waaggaasi waxaa dhaleeceen loo jeedinayay xisbigeeda oo ku wajahan heshiiska ka bixidda Midowga Yurub ee Britain.

BBC SOMALI.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor