Ra’iisul-wasaaraha Ethiopia oo ka hadlay dagaalkii dhex maray Soomaalida iyo Oromadda ku wada nool dalkaasi

Hailemariam Desalegn ayaa sheegay inay Dowladiisa gacan buuxda ka geysan doonto sidii loo xalin lahaa Colaadii Soomaalida iyo Oromadda ku dhex maray Degmadda Aweday ee Bariga dalkaasi.

Waxa uu sheegay in la soo xiri doono dadkii ka dambeeyey iska horimaadkaasi, wuxuuna u tacsideeyey dadkii lagu dilay Gobalka Oromia bishan September 15-dii.

Sidoo kale, waxa uu sheegay inay Saraakiisha Ciiddanka Federalka  sugi doonaan amamanka Deegaanada ay rabshaduhu ka dhaceen, isla markaana dib-u-dejin loo samayn doono dadkii ku barakacay dagaalkaasi.

Dhinaca kale, Madaxweynayaasha Maamul-gobaleedyadda Soomaalida iyo Oromadda waxay shalay kulan ku yeesheen Caasimadda dalkaasi ee Addis Abeba, waxayna sheegeen inay socdaan dadaal dadkii ku barakacay dib loogu soo dejinayo.

Warbaahinta Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in Labada Madaxweyne loo sheegay inay Ciiddanka Maamulkooda ka daad-gureeyeen Deegaanadda Xuduudka, iyadoo Ciiddanka Federalka la wareegi doonaan Ammaanka Deegaanadii lagu dagaalamay

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media