Ra’iisal wasaarihii hore ee Pakistan oo baaq u diray Bulshada dalkaasi

Ra’iisal wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa ku baaqay isu-soo baxyo ka dhacaya dalka Pakistan, isaga oo sheegay in isu-soo baxyadu ay bilaabanayaan maalinta Jimcaha, si loo muujiyo awoodda shacabku ay ku doonayaan inay sanduuqa wax lagu bedelo, wuxuuna ka digay inay dhici doonto fawdo haddii ay masuuliyiinta dalkaasi isku dayaan inay hor-istaagaan mudaharaadada.

Imran Khan oo ka qaybgalay dood dhinaca internetka ah oo ay soo abaabushay Jamaacadda Oxford ee dalka Britain, ayaa sheegay in mudaharaadkan oo wakhti dheer la qorshaynayey, inuu ka bilaabmi doono dhinaca bari ee magaalada Lahore, isaga oo ku faafi doono qaybo badan oo dalka Pakistan ah, iyada oo shacabku ay doonayaan inay ku cadaadiyaan xukuumadda inay qabato doorashooyin wakhtigoodii laga soo hormariyey.

“Socodkani wuxuu muujinayaa halka ay taagan yihiin dadka reer Pakistan, waxaan dareensanahay inuu noqon doono mid ka mida dhaqdhaqaaqyadii ugu weynaa ee taariikhda dalka Pakistan” ayuu yidhi Imran Khan.

Xisbiga uu hoggaamiyo Imran Khan ayaa maamula dhawr gobol oo dalkaas ku yaalla, oo ay uu ku jiro gobolka Punjab ee ugu dadka badan dalka Pakistan, kaas oo caasimaddiisu ay tahay Lahore.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor