Ra’iisal wasaarihii hore ee Masar oo geeriyooday

Ra’iisal wasaarihii hore ee Masar Dr kamaal al-Jansuuri ayaa maanta ku geeriyooday isbitaal ku yaal caasimadda dalkaas ee Qaahira.

Ra’iisal wasaaraha ayaa u geeriyooday xanuun uu qabay muddadii u danbeysay, isagoo 88 jir ah sida ay sheegtay warbaahinta Masar.

Al-Jansuuri ayaa xilka ra’iisal wasaarinimo ee dalka Masar soo qabtay laba jeer oo kala ahaa 1996 ilaa 1999 iyo 2011 ilaa 2012.

Madaxweynaha Masar Cabdifataax al-Siisii ayaa ka tacsiyeey geerida ra’iisala wasaaaraha, isagoo ku amaanay howlihii uu soo qabtay intuu hoggaanka dalkaas ka mid ahaa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor