Rag Somali Maraykan lagu tuhunsan yahay inay dileen nin kale oo lagu xiray Maraykanka

Boliska magaalaldda Portland ee dalka Maraykanak ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen saddex nin oo Somali Maraykan ah, kuwaasi oo lagu tuhunsan yahay nin lagu dilay dhismihii uu degganaa.

Ragga Soomaali Maraykanka ee la xiray ayaa waxaa magacayadooda lagu kala sheegay   Mohamoud Mohamed  oo 36 jir ah, Osman Sheikh oo 31 jir ah iyo Abdi Teshome oo 23-jir ah, kuwaasi oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug leeyihiin nin la oran jirey Freedy Akoa, kaasi oo maydkiisa la helay Khamiistii la soo dhaafay.

Waxa la rumeysan yahay inuu ninkaasi  geeriyooday maalintii Axadda ee la so odhaafay, balse maydkiisa la helay Khamiistii hore.

Baarayaasha Maydadka waxay sheegeen inuusan Ninkaasi u geeriyoonin si caadi ah.

Dhinaca kale, Eedeysanayaasha Soomaalida ayaa lagu soo oogay inay ka dambeeyeen dilkaasi, inakstoo ay beeniyeen arrintaasi.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor