Rag lagu eedeynayo dilal ka dhacay Muqdisho oo ka soo muuqday Maxkamadda Ciidamada

Shuceyb C/llaahi Maxamed ayaa loo heystaa in uu ka dambeeyay dilalka Ex sedex Xarigle xoogga dalka Xuseen Macali Cali Jilacow oo la dilay 28/6/2017-kii iyo dilka Gaashale Booy oo geeriyooday Yuusf C/llaahi Maxamuud oo geeriyooday 9/12/2017-kii dilka C/llaahi Cali Maxamuud oo ahaa nin Shacab ah kana ganacsanayay Hilibka iyo dhaawac uu u geystay C/raxmaan Maxamed Cali.

Eedeysanaha 2-aad Maxamed Cismaan Axmed ayaa agu  soo eedeyay Alshabaab isla markaana uu wedi jiray Mooto Bajaaj hubka lagu keeno laguna kala gudbiya si loogu fududeeyo dilalka qorshaysan,waxaa kale oo loo haystaa dil 28/2/2019-kii in uu ka mid ahaa raggii qorshaeynayay weerar fashilmay oo ay ka badbaadday Baarliin Cabdi Warsame.

Ismaaciil Maxamed Aweys oo ah eedeysanaha 3-aad ayaa loo haystaa ka mid ahaanshaha Alshabaab iyo kaalin uu ku lahaa dilkii fashilmay ee dhibane Baarliin Cabdi Maxamed,Saadaq Cabdi Jabaar Cumar Xuseen waxaa si gaar ah loogu eedeynayaa in uu ka tirsanyahay Shabaab qeybta fulisa dilalaka qorshaysan,waxaanalau qabtay dilka marxuun ex xoogga dalka Maxamuud Xasan Ibraahin 31/3/2019

Xafiiska xeer-ilaalinta maxakamadda ciidamada qalabka sida ayaa albaday waqti dheeraad ay oo ay ku soo dhameystiraan cademaha ay u baahanyihiin iyo marqaatiyaasha 4-ta eedeysane oo ka tirsan Alshabaab,go’aankaas oo ay ku raaceen qareenada difaacayay eedeysanayaasha.

Ugu dambayntii guddoomiyaha maxakamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay in uu xiranyahay fadhiga isla markaana ay Maxkamaddu dib ka soo muddeyn doonto fadhiga kan xiga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media