Rag hubeysan oo weerar gaadmo ah ku dilay shaqaalo Gargaar

Rag hubaysan ayaa weerar ku qaaday koox ka mid ah shaqaalaha gargaarka ee dalka Niger, halkaas oo ay ku dileen lix muwaadin oo Faransiis ah, hagahooda maxalliga ahaa iyo darawalkoodii, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha dawladdu.

Raggan hubaysan ayaa waxay wateen mootooyin waxayna ku fureen rasaas, gudoomiyaha gobolka Tillabéri, Tidjani Ibrahim, ayaa sidaasi u sheegay wakaalada wararka ee Faransiiska ee AFP.

Waxay joogeen gobolka Koure, oo caan ku ah dalxiisayaasha doonaya inay arkaan geriga duurjoogta ah, noociisii ugu dambeeyey Galbeedka Afrika.

Madaxtooyada Faransiiska ayaa iyana dhankeeda xaqiijisay dhimashada muwaadiniintan Faransiiska ah. Raggaas Faransiiska ah ayaa u shaqeynayay koox gargaar oo caalami ah, wasiirka difaaca ee Niger Issoufou Katambé ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters. Horaantii, masuuliyiintu waxay ku sifeeyeen keliya inay ahaayeen dalxiisayaal.

Hay’adda samafalka ee Faransiiska ee ACTED oo ay ka tirsanaayeen ayaa iyana dhankeeda sheegtay in qaar shaqaalaheeda ka mid ah ay qayb ka ahaayeen masiibadan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media