Rag hubeysan oo sii daayay ku dhawaad 30 Arday oo ay Afduub u haysteen

Waxaa la soo siidaayay qaar kamid ah ardaydii laga af-duubtay dugsi sareoo ku yaalla gobolka Kaduna ee waqooyiga dalka Nigeria.

Rag hubeysan ayaa bishii la soo dhaafay af-dubay 121 arday, kuwaas oo dhigan jiraydugsiga sare ee Bathel Babtist ee gobolkaasi Kaduna, waxaana afduub loogu heystay 21 maalmood.

Mid kamid ah asaasayaashii iskuulkaasi, Reverend John Joseph, ayaa BBC-da u xaqiijiyay in haatan la soo siidaayay28 arday, kaddib wadahadal dhex maray afduubayaasha iyo walidiinta dhalay ardayda la afduubtay.

Reverend ma uusan cadeyn in la dhiibay lacag madax furasho ah iyo in kale balse waxaa uu yiri “waa laga yaabaa”.

Ardaydaasi ayaa gelinkii hore ee maanta dib ula midoobay waalidiintooda kaddib markii la mariyay baaritaan caafimaad.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor