Rag hubeysan oo fal dhaawac ah ka geystay xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Laba nin oo ku hubeysnaa qoryo AK-47 ayaa xalay abaaro 10:30 PM waxa ay xaafadda Raadeelka ee degmada Deyniile ee Gobolkaan Banaadir ku dhaawaceen haweeney 50-sanno jir ah oo kamid ah dadka deegaankaas.

Dad ayaa waxaa ay sheegeen in falkaan uu ka dambeeyay kadib markii, ragga hubeysan ay haweeneyda oo ka timid isbitaal jidka u galay, iyada oo lugeeneysa, isla markaana ka waayay moobeel weyn, iyagoona markaa kaddib damcay in ay kufsadaan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in muran kooban oo dhexmaray ragga burcada ahaa iyo haweeneyda uu keenay in haweeneyda rasaas lagu furo, kadibna waxaa goobta ka baxsaday raggaas, dad goobta ka adhawaa ayaa Isbitaal u qaaday haweeneyda.

Muddooyinkii dambe xaafadda Raadeelka iyo xaafadaha ku dhegan ayaa axaa kusoo badanayay dhaca iyo dhibaatooyinka kale kooxaha ku hubeysan qoryaha iyo tooreeyada u geesanayaan dadka shacabka ah.

Dadka deegaanka xaafadda Raadeelka ee degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir ayaana ugu baaqay ciidanka ammaanka iyo maamulka degmada in ay wax ka qabtaan burcadan dadka dhibaatada ku haya .

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor