Radio Dalsan oo Maanta Si Toos ah U soo Tabin Doonna Doorashadda Madaxtinimadda Ee Maamulka Galmudug

Dhageystayaasha iyo akhristayaasha Radio Dalsan La socda waxaan ku wargelineynaa in si toos ah ay ugala socon karaan Idaacadda iyo Websiteka Radio Dalsan Doorashadda Madatinimadda Maamulka Galmudug Ee ka dhaceysa Magaaladda Cadaado.

Waxa halkasi ka soo warami doonna saxafiyiin Dalsan ka tirsan oo sido kale soo gudbin doona Wareysiyo xiiso badan oo si gaar ah looga diyaariyay Musharaxiinta Doorashada Madaxtnimadda Maamulka Galmudug.

Doorashadda waxa ku tartami doonna ilaa iyo Lix Musharax waxana ugu cad cad:-

1-Axmed Macalin Fiqi

2-Axmed  cabdisalaam Xaaji Adan

iyo Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Waxa codeyn doonna 86 Xildhibaan oo maanta diyaar u ah iney u codeyaan Lixdasi Musharax.

Haddaba waxan si toos uga soo tabin doonnaa Xarunta Doorashadda ay ka dhaceyso sida Codadka loo bixin doono Wareegyada la isla gaaro Doorashada iyo ku dhawaaqista natiijadda oo aad la socon doontan insha allah.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor