Somaliland oo shaacisay inay saameyn ku yeesheen rabshadihii Itoobiya

Wasiirka Wasaaradda Hormarinta Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed ayaa ka hadlay rabashadii Khasaaraha geystay ee ka dhacay Magaalada Addis Aabab ee Caasimadda dalka Itoobiya iyo deegaanka Oromada.

Wasiir Axmed Muumin oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa waxaa uu sheegay in rabshadihii ka dhacay Itoobiya ay saameyn ku yeesheen Somaliland, isla markaana sare kac ballaaran uu ku yimid Khudaarta lagu iibiyo deegaanada maamulkaas.

Waxaa uu sheegay Wasiirka Hormarinta Beeraha Somaliland in maalmihii lasoo dhaafay ay joogsatay Khudaartii uga imaan jirtay dhinaca Itoobiya, taasina ay keentay inuu saro kaco qiimihii lagu iibin jiray khubaarta.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiirka ayuu tilmaamay in bulshada ku dhaqan deegaanadooda ay dareemeen sameeynta ku timid Khudaarta, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay inay dhamaan doonaan qalalaasaha ka socda Itoobiya.

“Saameyn ayay nagu yeelatay rabshadii Khasaaraha dhaliyay ee ka dhacay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya, Sare kac ayaa laga dareemay Khubaarta, maadaama ay joogsatay khubaartii inooga imaan jirtay dhinaca Itoobiya” ayuu yiri Wasiir Axmed Muuse Seed.

Si kastaba hadalka Wasiirka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo Addis Ababa iyo Maglooyin kale oo ka tirsan Itoobiya ay ka dhaceen banaanbaxyo rabshado watay oo ka dhashay Dil Isniin lasoo dhaafay loo geystay Fanaan lagu Magacaabi jiray Haacaaluu Hundeesaa .

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media