Safiirka Raashiya u jooga Lubnaan, Alexander Zasyapkin ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Telefishinka Al-manaar ee Ururka Xisbullaahi Lubnaan, wuxuuna intaasi ku daray in la beegsan doono goobaha laga soo tuuray Gantaalladaasi.
Waxa uu intaasi ku daray in la burburin doono Gantaalladda Maraykanka iyo kuwa daalalka kale ee weerara dala Syria, wuxuuna ka digay in dagaal kale oo ka dhaca dalkaasi
Dhinaca kale, Hayรขโฌโขadda maamusha Duullimaadka Diyaaradaha Europe ee EURO CONTROL ayaa soo saartay Digniintaasi, waxayna sheegtay inay suurto-gal tahay in dalka Syria la duqeyn doono 72-ka saacadood ee soo socota.
Digniintaasi ayaa soo baxday iyadoo ay Madaxweynaha Maraykanka iyo Madaxda Isbahaysiga ka wada xaajoonayaan sidii Weerar Milliteri loogu qaadi lahaa dalka Syria.