Raashiya oo dalkeeda ka mamnuucday dalagyadda laga soo dhoofiyo Somalia

Wakaalladda Wararka Raashiya ee TASS ayaa sheegtay inay Dowladda Raashiya mamnuucday  in dalkeeda loo iib keeno  geed miroodyo uu ka mid ah yahay Tufaaxa ee laga keeno Somalia.

Hay’adda La-socodka  Fay-qabka Xoolahaa iyo Khudaarta ee dalkaasi (Rosselkhoznadzor)  ayaa soo saartay amarkaasi, iyadoo sheegtay inay tuhun ka qabaan in si Tahriib ah Dalagyadaasi looga soo qaado Somalia.

Mamnuucistan  ayaa lagu sheegay inay timid, kadib, markii Dalagyadda laga keeno Somalia la soo marsiiyo dalal saddexaad, ka hor inta aan loo sii gudbinin Raashiya.

Dowladda Raashiya waxay kaloo tilmaamtay in Tallabadani la qaaday si loo xaqiijiyo inaan Dalagyadaasi maarkii ugu horreysay laga keenin Somalia, lana soo marsiin dalalka ka tirsan Midowga Europe ee EU-da.

Sidoo kale, Dowladda Raashiya waxay maamnuucday dalagyadda laga soo dhoofiyo dalka Afganistan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor