Raashiya oo ku gacan sayrtay Maraykanka oo ku baaqay Xabbad-joojin laga hirgeliyo Syria.

Dowladda Raashiya ayaa sheegtay inaan la oggolaan codsiga Maraykanka ku baaqay in Syria laga hirgeliyo xabbad-joojin socon doonta muudo 7 maalmood.

Hadalkaasi ayaa soo baxay, kadib, markii uu Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka shalay Telefoonka kula hadlay dhigiisa dalka Raashiya, kana wada hadleen Xaalladda Syria.

Maraykanka ayaa ku hanjabay inay joojin doonaan Iskaashiya ay Raashiya kala lahaayeen Xiisadda Syria.

Diyaaradaha Dagaalka ee Raashiya iyo Syria ayaa waxay sii wadaan Duqeyn ay ku hayaan Deegaanadda ay Kooxaha Hubeysan ka joogaan Bariga magaalladda Aleppo, iyadoo shalay la duqeeyey 2 Isbitaal oo ku yaalla magaalladda Aleppo.

In ka badan 400 oo qof ayaa lagu dilay, iyadoo 1,700 kalena lagu dhaawacay duqeynta ay Diyaaradaasi ka geysteen Aleepo tan iyo isbuucii hore.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor