Shirkadda Raashiya ee farsamaysa Diyaaradaha Dagaalka ee Sukhoi Aircraft Company waxay bilowday wax-soo-saarkii ugu ballaarnaa ee Diyaaradaha Dagalaka ee ugu casriyeysan dalkaasi ee Sukhoi 57 Fighters Jet.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’isul-wasaare-xigeenka dalkaasi, Yury Borisov ayaa lagu xaqiijiyey in Diyaaradahaasi loo samaynayo Ciiddanka Cirka ee Raashiya.
Shirkadda Sukhoi waxay Isniintii soo bandhigtay Heshiis ay la galeen Wasaaradda Difaaca Raashiya, si loo sameeyo in ka badan 76 Diyaaradaha Dagaalka ee Sukhoi 57
Qandaraaskaasi ayaa lagu kala saxiixday Carwada Caalamiga ee Hubka oo dhawaan lagu qabtay dalkaasi, sida ay sheegtay Wakaalladda wararka Raashiya ee TASS New Agency.
Wakaalladdu waxay kaloo sheegtay in Diyaaradaha la farsamaynayo yihiin Jiilka 5-aad ee Diyaaradaha Sukhi 57 Fighters Jet oo horey loogu yaqaanay T 52 Fighters Jet.
Shirkadaha Raashiya ee farsameeya Diyaaradaha Dagaalka iyo noocyada kale ee hubka ayaa waxa u furmay Suuq Gudaha iyo Dibedda, waxaana jira dowlado badan oo soo codsaday Diyaaradaha dagaalka ee Sukhoi iyo Nidaamka Gantaalladda difaaca ee S400.
Dowladda Turkiga ayaana u muuqata inay noqotay Suuqa ugu weyn ee Shirkadaha Hubka ee Raashiya, kadib, markii ay soo iibsadeen Gantaalladda Nidaamka Difaaca ee S400, taasi oo ay Dowladda Maraykana aad uga carootay tallabadaasi.