HomeWarar(SAWIRO): Qoyska Wiilkii yaraa ee taageeray Ciyaaryahan Lionel Messi oo loo hanjabay.

(SAWIRO): Qoyska Wiilkii yaraa ee taageeray Ciyaaryahan Lionel Messi oo loo hanjabay.

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Wiilka yar oo u dhashay dalka Afganistan ee caanka ku noqday Internetka, kadib, markii uu isa soo sawiray isagoo labisan Funnaanadda uu xirto Ciyaaryahanka Caanka ee Lionel Messi oo laga farsameeyey baca ayaa la sheegay inay qoyskiisa la kulmeen hanjabaad. Aabaha dhalay wiilka Murtaza Ahmadi ayaa sheegay in loo soo diro farriimo loogu hanjabayo in […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wiilka yar oo u dhashay dalka Afganistan ee caanka ku noqday Internetka, kadib, markii uu isa soo sawiray isagoo labisan Funnaanadda uu xirto Ciyaaryahanka Caanka ee Lionel Messi oo laga farsameeyey baca ayaa la sheegay inay qoyskiisa la kulmeen hanjabaad.

Aabaha dhalay wiilka Murtaza Ahmadi ayaa sheegay in loo soo diro farriimo loogu hanjabayo in la qafaalan doono wiilkiisa yar.

- Advertisement -

Aabaha oo lagu magacaabo Maxamed Arif Ahmadi  oo uu wiilkiisa cinwaanadda sare ka galay Wararka Adduunka bilowgii sannadkan waxa uu tilmaamay inay ka qaxeen dalkooda hooyo.

Waxa uu tilmaamay inay qoyskiisa u wareegeen dalka Pakistan, oo ay rajeynayaan inay Nolol Cusub ka bilaabaan.

Nolosha waxay nagu noqotay tiiraanyo” ayuu yiri Aabaha oo ka soo hadlayey guriga cusub ee qoyskiisa ka deggeen magaalladda Kuweeta ee dalka Pakistan.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray inaysan qoyskiisa doonaynin inay ka soo tagaan dalkooda hooyo ee Afganistan, balse ay si dhab ah u qaateen farriimaha sii kordhayo ee loogu hanjabayo.

Maxamed Arif Ahmadi   waxa uu tilmaamay inuu u cabsaday Wiilkiisa Murtaza Ahmedi in la afduubto, kadib, markii uu caan ku noqday Internetka oo la dhigay Sawiradiisa isagoo labisan Maaliyada Messi oo bac balaastik dhuug ah laga sameeyey.

Qoyska Wiilka yar waxay markii ugu horreysay u soo safreen caasimadda dalka Pakistan ee Islamabad, halkaasi oo ay sii joogi waayeen Nolosha oo qaali ah, waxayn u soo gudbeen magaalladda Kuweeta.
“Waan wada iibiyey hantideyda, waxaana qoyskayga ka soo saaray Afganistan si aan u badbaadiyo nolosha Wiilkayga iyo nolosha inta ka hartay qoyska” ayuu yiri aabahaasi.

Bilowgii sannadkan, Xiriirka K/cagta ee dalka Afganistan waxay ballan qaadeen inay qabanqaabiyaan Kulan dhex mara Wiil yar iyo Messi.

Waxaa jiray warar sheegayo inuu Messi imaan doono dalka Afganistan si uu u soo booqdo Wiil taageeraha u ah ama ay jirto qabanqaabo kale oo Wiilka yar loogu diri doono dalka Spain, si uu halkaasi ugula kulmo Ciyaaryahan Messi oo u ciyaara Kooxda K/cagta ee Barcelona am Kulan kale oo ay isku arki doonaan dal 3-aad.

Aabe Maxamed Arif Ahmadi , waxa uu tilmaamay inay wada shaqeyn waayey mid ka mid ah qorshayaashaasi, balse uu rajeynayo inay maalin uun awoodi doonaan inay la kulmaan Geesigiisa, Messi.

Murtaza Ahmadi5 Murtaza Ahmadi4 Murtaza Ahmadi2

 

Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska

Xigasho: Daily Mail

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts