Taliska Ciidanka Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa qirtay in duqeyn diyaaradeed oo bishaan gudaheeda ka fuliyay Gobolka Jubbada Dhexe uu ku dilay dad shacab ah.
Duqeynta oo dhacday 2-dii Bishaan February 2020 ayaa waxaa uu Mareykanka la beegsaday qoys ku sugnaa Guri ay degan yihiin Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.
Sidoo kale duqeyntaas ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray qoyskii ku sugnaa Guriga, waxaana la tilmaamay in xiligaas ay qoyska ay u fadhiyeen Casho.
Maxamed Cismaan Cabdi oo ah Tafaftiraha qeybta Ingiriiska ee Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA oo la hadlay Wargeyska Defense Post ayaa xaqiijiyay in Mareykanka uu duqeyn ku dilay Qoyskiisa oo ku sugnaa Degmada Jilib.
Waxaa kaloo Maxamed Cismaan Cabdi uu tilmaamay in markii ay duqeynta lala beegsaday qoyskiisa uu soo wacay Qof saaxiibkiis ah oo ku sugan Jilib uuna sheegay in ehelkiisu duqeyn diyaaradeed lala beesaday.
Dhinaca kale Tafaftiraha qeybta Ingiriiska ee Wakaaladda Wararka SONNA ayaa xusay in Magaalada Muqdisho kulan kula uu qaatay Saraakiil ka tirsan AFRICOM, isla markaana uu kala hadlay weerarka duqeynta ahaa ee Eheladiisa wax ay ku noqdeen.
Ugu dambeyntii Taliska Ciidanka Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa Tafatire Maxamed Cismaan u sheegay inay baarayaan sida u u dhacay weerarkii duqeynta ahaa ee 2-bii Bihaan ka dhacay duleedka Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.