Qoys ka kooban Aabe, Hooyo & Shan Caruur ah Weerarro Is-miidaamin ah ka fuliyey Dalka Indonesia

Booliska dalka Induniisiya ayaa sheegaya in xubno ka wada tirsan hal qoys ay weerarro ismiidaamin ah ku qaadeen saddex kaniisadood oo ku yaalla magaalada Surabaya.

Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhimatay qaraxyadaasi, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay tiro dad ah.

Sida ay boolisku sheegayaan qoys ka kooban aabe iyo shan carruur ah oo uu dhalay iyo hooyadood ayaa isku qarxiyay saddex kaniisadood.

Taliyaha booliska Surabaya, Tito Karnavian, ayaa sheegay in aabaha qoyska iyo saddex wiil oo uu dhalay ay isku qarxiyeen labo kaniisadood, halka xaaskiisa iyo labo carruur ah oo kale ay isku qarxiyeen kaniisad kale.

Weerarradan oo ay sheegatay kooxda la baxday dowladda Islaamka ayaa ah kuwii ugu dhimashada badnaa ee dalkaasi ka dhaca tan iyo sanadkii 2005.

Kal hore, madaxa laanta mukhaabaraadka dalkaasi Induniisiya, Wawan Purwanto ayaa sheegay in weerarka ay uga shakisan yihiin koox lagu magacaabo Jemaah Ansharut Daulah (JAD) oo dhiirigelin ka hesha kooxda dowladda Islaamka.

Waxa uu intaasi ku daray in ay suurtagal tahay in weerarkani uu xiriir la leeyahay dhacdo kale oo kal hore bishan ay ku dhinteen shan askari kaddib markii ay isku dheceen ilaalada xabsi ku yaalla Jakarta iyo kooxo mintidiin ah oo halkaasi ku xirnaa.

Madaxweynaha dalkaasi Joko Widodo oo booqday kaniisadaha la weeraray ayaa waxa uu weerarradaasi ku tilmaamay wuxushnimo.

Waxa uu sheegay in booliska uu amray in ay baaritaan sameeyaan oo ay kala burburiyaan shabakadda soo abaabushay weerarradan.

Weerarradan ayaa u muuqda in ay yihiin kuwii ugu dhimashada badnaa ee dalkaasi ay ka geystaan taageerayaasha kooxda dowladda Islamaamka.

Kooxdan ayaa sanadkii 2016 sheegatay mas’uuliyadda weerarkii ugu horreeyay ee ay dalkaasi ka geysatay, kaddib markii qaraxyo dhawr ah iyo toogasho ka dhcaday Jakarta ay ku dhinteen afar qof oo rayid ah.

In kabadan 200 oo qof ayaa sanadkii 2002 ku dhimatay labo qarax oo kooxo xiriir la leh Al-Qaacidda ay ku qaadeen goobo lagu caweeyo oo ku yaalla Jasiiradda Bali ee isla dalkaasi Induniisiya.

BBC somalia

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media