Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa bilowday qorshe looga hortegayo fatahaad uu sameeyo Webiga Shabeelle, maadama la guda-galay xili roobka Gu’ga oo ka da’ay deegaano badan oo ka tirsan Gobolada dalka.
Wasiirka Beeraha iyo waraabka Hirshabeelle Xildhibaan Xaaji Cabdulle oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ay bilaabeen qorshaha looga hortagyo fatahaada laga cabsi qabo inuu sameeyo Webiga Shabeelle oo dhowr jeer oo horey sameeyay fatahaado geystay saameyn xoogan.
Waxaa uu sheegay Wasiir Xaaji Cabdulle in qorshaha ugu horreeyay ee ka hortegista fataahada ay ka bilaabeen Xaafaddo ka tirsan Magaalada Jowhar, iyaga oo kaashanaya shacabka iyo Ciidanka.
Isaga oo sii hadlaayay ayuu tilmaamay Wasiirka in cabsi xoogan ay ka qabaan sameeynta ka dhalan karta hadii uu fatahaad sameeyo webiga Shabeelle, wuxuuna sheegay in loog baahan yahay in arrintaas laga hortego.
Ugu dambeyn Wasiirka Beeraha iyo waraabka Hirshabeelle ayaa waxaa shacabka ku dhaqan deegaanada maamulkaas ka Codsay inay ka qeyb qaatan sidii looga hortegi lahaa fatahaada Webiga Shabeelle, maadama la guda-galay xili roobka Gu’ga.