Hay’adda Sirdoonka Yuhuudda ee Shin Bet ayaa sheegtay inay fashiliyeen Mu’aamaro lagu doonayey in lagu dilo Ra’isul-wasaare Binjamiin Natayaahu iyo Duqa magaalladda Quddus-ta la-haysto, Nir Barakaat.
Hadal maanta ka soo baxay Sirdoonka Yuhuudda ayaa lagu sheegay in Muwaadin Falastiin oo deggan Xero Qaxooti oo ku taalla Bariga Quddus ka mid yahay dadka loo qabtay Falkaasi.
Ninkaasi oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Rashiid waxaa kaloo lagu soo eedeeyey inuu ururinayay xog ku aadan sidii loo weerari lahaa Qunsulliyadda Maraykanka ee ku taalla magaallada Quddus.
Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha Yuhuudda weli kama hadlin arrintaasi.
Â
Â