Qoorqoor oo Kormeeray dhismaha ku socda Garoonka diyaaradaha ugu wayn Caabudwaaq

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ayaa soo indha-indheeyay garoonka diyaaradaha ugu wayn degmada Caabudwaaq, kaas oo loo dhisayo si heer caalami ah, gacantana ay ku hayso shirkad ku taqasustay dhismaha garoomada diyuuradaha.

Masuulka dhismaha garoonka ayaa xusay dhabbaha diyuurahadaha garoonkan, uu balac ahaan lamid tahay garoomada waa wayn ee Soomaaliya, mudo sedex bilood ahna lagu soo af meerayo dhismihiisa, sidoo kalana la filayo in ay ka soo caga dhigtaan, diyaarado heel caalami ah.

Madaxweyne Axmed Cabdi kaariye ayaa xusay in Galmudug markii ugu horeesay ay heli doonto garoon heer caalami ah, sidoo kalana ugu baaqay shacabka reer Galmudug in ay maal gashtaan, isku tashina ku dhistaan deegaanadooda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor