Qoorqoor oo dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dib ugu laabtay magaalada Dhuusamarreeb ee caasimadda Dowladda Galmudug oo uu uga maqnaa safaro shaqo.

Qoorqoor iyo wafdigiisa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Dhuusamareeb, waxaana soodhweyntiisa ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkaasi.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Ugaas Nuur kusoo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka Galmudug,  Cali Daahir Ciid, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan labada gole ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor