Qoorqoor oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb iyo soodhweyn loo sameeyay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, kadib safar gaaban oo ku tagay dalka dibadiisa.

Masuuliyiin uu ugu horreeyo Madaxweyne ku xigeenka xigeenka  Galmudug Cali Dahir Ciid, Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur gacal, xubno ka tirsan labada gole ee Dowlad Goboleedka Galmudug, maamulka caasimadda iyo masuuliyiin kale ayaa kusoo dhaweeyay madaxweynaha iyo wafdigiisa Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb.

Degaanada Galmudug ayaa waxaa la filayaa in dhawaan ay ka bilowdaan dagaallo ka dhan ah AL-Shabaab,iyadoo Horay qoorqoor uu u sheegay in ay degaanada laga haysto dhulka ka Galmudug ay ka bilaaban doonan howgallo ka dhan ah AL-Shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor