Qoor qoor “Reer Galmudug waxa ay u soo jeesteen in ay wax qabsadaan tusaalana u noqdaan Somalia”

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa xalay waxa uu gaaray deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud halkaas oo si aad ah loogusoo dhaweeyay isaga iyo wefdi uu hogaaminayay.

Soo dhaweyn kadib boqolaal shacab ah ayuu kula hadlay fagaaro ku yaalla magaalada waxaana uu sheegay in degmada Xeraale ay ka mid tahay meelaha ugu amniga fiican Soomaaliya gaar ahaana Galmdug isaga oo timaamay in aysan jirin degmo ama deegaan habeen bar dadku si amni ah iskugusoo bixi karaan.

Isaga oo sii wata hadalkiis ayuu fariin u diray dadka ku nool degmada Xeraale waxaana uu ku dhiirigeliyay in ay nabadda kasii shaqeeyaan,oo ay iska ilaaliyaanw ax kasta oo nabadda khalkhal gelin kara.

Dhinaca kalana waxa uu sheegay in Socdaalka uu ku tegay halkaas uu yahay socdaalkii Nabadda Galmudug,isaga oo shaaciyay in reer Galmudug ay u soo jeesteen wax qabsi iyo in ay tusaale u noqdaan Somalia inteeda kale.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media