Qofkii ugu horreeyay oo Kenya ugu dhintay Cudurka Coronavirus

Dawladda Kenya ayaa xaqiijisay in qofkii ugu horeeeyey uu dalkaas ugu dhintay cudurka COVID-19.

War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Kenya ayaa lagu sheegay in qofka dhintay yahay muwaadin kasoo laabtay Koonfur Afrika 13-kii Maarso.

Waxa kaloo wasaaraddu sheegtay in qofkaasi oo rag ah da’diisuna tahay 66-sano jir uu qabay sidoo kale xanuunka macaanka.

Kenya ayaa diiwaangelisay ku dhowaad 30 kiis oo ah cudurka COVID-19

Dhinaca kale, dowladda Kenya ayaa dalkeeda kusoo rogtay bandow xiliga habeenkii ah kaasoo bilaaban doona 7-da fiidnimo ilaa 5ta aroornimo.

Arrintan ayaa qeyb ka ah tallaabooyin ay dowladda Kenya kula tacaalayso sidii au u xakamayn lahayd faafitaanka xanuunka Coronavirus kaasoo ilaa iyo hadda dadka laga helay gaaraya ilaa 30 qof.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media