Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan labada dhinac ayaa xalay Shir Wada jir ah ku yeeshay magaalada Gaalkacyo.
Warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ayay ku sheegeen in Shirkoodu uu ku saabsanaa Iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada Amniga, Nabadaynta, Ganacsiga iyo Isu socodka labada dhinac.
Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in labada dhinac ku heshiiyeen 4 qodob oo muhiim u ah Iskaashiga labada dhinac ee Arrimaha Amniga, Nabadaynta, Ganacsiga iyo Is dhexgalka Bulshada Puntland iyo Galmudug.
Qodobka kowaad ee ay ku heshiiyeen labada dhinac ayaa dhigaya Xoojinta Iskaashiga Amniga, Nabadaynta, Ganacsiga, Dhaqaalaha iyo Is dhexgalka Bulshada Puntland iyo Galmudug.
Halkan ka akhriso Warsaxaafadeedka