HomeWararQM oo War kasoo saartay Shirka Madaxda DF iyo M/Goboleedyada ee Afisyooni

QM oo War kasoo saartay Shirka Madaxda DF iyo M/Goboleedyada ee Afisyooni

Date:

Related stories

Dagaalka Romero: Real Madrid, Atletico iyo Man Utd oo isku eryanaya kabtanka Tottenham

Cristian Romero ayaa laga yaabaa inuu ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee Tottenham ka dib dhaawac jilibka ah iyo kooxda oo u laabanaysa Championship-ka.

Ruto Lands 8 Major Deals in Rome as Kenya, Italy Sign New Action Plan

President William Ruto's state visit to Italy has yielded eight new agreements, cementing a three-year action plan with Rome. The wide-ranging deal covers everything from military cooperation and AI to restoring the Cherangany Forest and upskilling Kenya's youth.

Nairobi: Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka UN-Habitat ee horumarinta magaalooyinka

Wafdiga Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowle Saciid Xayd ayaa Nairobi kaga qayb galay kalfadhiga UN-Habitat.

Soomaaliya iyo Isku-tashiga: Xarunta Tamarta iyo Biyaha oo loo dhisay qaab casri ah

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray xarun casri ah oo ay yeelanayso Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha.

Sidee Turkigu u Qodayaa Ceelka Curad-1 ee Badda Soomaaliya? Sirta Qalabka Waaweyn!

Mashruuca Curad-1 waa wejigii koowaad ee Soomaaliya ay ku noqonayso waddan shidaal soo saara.

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa War kasoo saaray Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ee laba maalin kahor uga furmay Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska UN-ka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu boggaadiyay Madaxda shirka u furmay ee hordhaca u ah Shirka Wadatashiga Qaranka ee looga hadlayo doorashooyinka dalka ka dhacaya oo weli aan heshiis laga gaarin.

Qaramada Midoobey ayaa Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada ugu baaqday inay sii wadaan shirarka aan rasmiga aheyn ee hordhaca u ah Shirka maalmaha soo socda furmi doona, si heshiis rasmi ah looga gaaro khilaafka taagan.

“Bahda Qaramada Midoobey ee Soomaaliya waxa ay boorriyeen joogitaanka hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dhammaan kuwa xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee ka qeybgalay shirarkii horu-dhaca ahaa ee albaabadu u xirnaayeen ee wadatashiga, kaas oo Muqdisho ka dhacay 3-4-tii Abriil. Waxaan fahansannahay in madaxdu ay qorsheynayaan in ay sii wadaan wadahadalkooda, waxaan ku boorrineynaa in ay heshiis ku gaaraan wadahadalladan muhiimka ah” ayaa yiri Qoraalka UN-ka.

Shirka hordhaca ee u dhaxeeya dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa maalintii labaad ku soo dhamaaday, iyadoo aan wax natiijo ama horumar la gaarin, waxaana la isku soo laaban doonaa maalinta Talaadada ah.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories