QM oo Taageero dhaqaale siinaysa Somalia iyo dalalka Gobalka ee ay ka jiraan abaaraha

Xiriiriyaha Hawlaha Samafalka ee QM, Mark Lowcock ayaa sheegay inay QM lacago taageero ah siinayaan dalalka Somalia, Kenya iyo Ethiopia, si loogu maareeyo Abaaraha ay sababeen Isbedelka Cimilada.

Waxa uu tilmaamay in QM siin doonto dalka Kenya lacag dhan 500 oo million oo Shillinka dalkaasi, si loogu adeegsado Deegaanadda ay Abaaruhu halakeeyeen.

QM wxaay sheegtay in Dalka Somalia loo qoondeeyey lacag dhan 30 million oo Dollar, halka Ethiopia lagu taageerayo lacag dhan 10 million oo Dollar, si sahay cunto ah loo gaarsiiyo dadka ku nool Gobalka Qbaaruhu ka jiraan ee ku dhow xuduudka Somalia.

Yaboohan ayaa ku soo beegmay, iyado oay Hay’adda QM ugu qaabislan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR  ka digtay inay Malaayiin qof oo Soomaali ah samayn doonto cunto-yari iyo Abaar baahsan oo ka dhacday qeybo ka mdi ah Somalia.

Xilli-roobaadka ku yaraaday Somaolai ayaa la sheegay inuu sababay qalalkii dhulka ee ugu darnaa taariikhda in ka badan 35-sanno.

Sikastaba ha ahaatee, Abaarihii Somalia soo maray sannadihii 2010-kii ilaa 2012-kii ayaa la sheegay inay ku gereiyoodeen dad lagu qiyaasay boqolaal kun oo qof, oo kala bar la rumeyan yahay inay ahaayeen carruur ay da’dooda ka hooseysay 5 jir.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media