QM oo sheegtay inay ka go’an tahay sii wadista taageerada ay u fidiso Dowladda Soomaaliya

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa shacabka iyo dowladda Soomaaliya ugu hambalyeynaya sannadguurada 62-aad ee ka soo wareegatay madaxbannaanida dalkooda.

Wuxuu ku celinayaa sida Qaramada Midoobay uga go’an tahay sii wadista taageerada ay u fidiso Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, iyo shacabka Soomaaliyeed  dadaalka ay ugu jiraan sidii ay u dhisi lahaayeen ​​mustaqbalka dalkooda oo sidan ka nabad iyo barwaaqo badan.

Qoraalka kasooo baxay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa imaanaya iyadoo Xalay muqdosho lagu qabtay munaasabad weyn oo ay ka qayb galeen Madaxda dalka ugu sarreysa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor