QM oo sheegtay inay dardar-geliyeen taageeradda la siinayo dadka ku macluulsan Somaliland iyo Puntland.

Hay’addaha UNICEF iyo WFP oo ka tirsan Hay’aaddaha hoos taga QM ayaa tilmaamay inay kordhiyeen taageeradda ay gaarsiinayaan Mujtamcyadda ay dhibaatooyinka ka soo gaareen Abaaraha iyo Elnino eek u nool Waqooyiga Somalia.

Hadal qoraal oo uu Wakiilka UNICEF ee u qaabilsan Arrimaha Somalia, Steven Lauwerier ka soo saaray magaalladda Nairobi ayuu ka digay inay Kumanaan carruur ah khatar ugu jiraan inay Waxbarashadda ku dhacaan sababo la xiriira Abaaraha iyo Macluusha baahsan ee ka jira Goballadaasi.

“Dadaalkeenna haatan waxaa loo baahan yahay in la badbaadiyo nolosha Tobanaan kun oo carruur iyo Qoysaskooda, iyadoo dib u dhac ku yimaada Kaalmooyinka Caalamiga khatar gelin karaan noloshooda, oo ay la sii macluuli doonaan cudduro.

Hay’addaha UNICEF iyo WFP waxay kaaloo ka shaqeynayaan sidii ay Ardayda iyo Macallimiinta ugu sii nagaan lahaayeen Dugsiyadda, loogana hortegi lahaa inay Waalidkooda kala tagaan, carruurta lagu shaqeysto, laagu tacadiyo ama gabdhaha ay Guur degdeg ah galaan.

QM waxay sheegtay in ku-dhawaad 385,000 oo qof oo ku nool Waqooyiga Somalia u baahan yihiin Gargaar Degdeg ah, halka 1.3 million oo kalena qarka u saaran yihiin macluul, haddii uu Roobka ka sii raago Goballadaasi.
Dhinaca kale, QM waxay horey u codsatay 105 million oo Dollar si Gargaar Aadminimo loogu gaarsiiyo 1.7 million oo Soomaali ah, kuwaasi oo badankooda ah Xoolaley iyo Beeraley ku nool dhulalka ay Abaaruhu ka jiraan ee Somaliland iyo Puntland.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor