QM oo shaacisay Tirada dadka Falastiiniyiinta ku barakacay weerarada Israa’iil

Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha bini aadanimada ayaa sheegay in 52 kun oo Falastiiniyiin ah ku barakaceen duulaanka Israa’il ku heyso magaalada Gaza.

Ciidamada cirka ee israa’iil ayaa duqeyn ku dumiyay 450 dhismo oo ay deganaayeen dad rayid ah taas oo sababtay in dad badan noqdaan hoy la’aan.

Afhayeenka xafiiska Qaramada Midoobe Jens Lerke ayaa sheegay in dad lagu qiyaasay  47,000 la dejiyay 58 iskuul oo ay maamusho Qaramada Midoobe kuwaas oo ku yaal magaalada Gaza.

Afhayeenku ayaa intaas ku daray in ciidamada Israa’iil ay duqeeyeen 6 isbitaal iyo xarumo kale oo dadka lagu caawiyo.

Dagaalkaan oo galay maalintiisi sagaalaad, ayaa waxaa ku dhintay 213 qof oo ay ku jiraan 61 carruur iyo 36 haween ah.

Dadka ku dhaawacmay duqeymaha israa’iil ee magaalada Gaza ayaa kor u dhaafaya 144  qof.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor