QM oo Ergey Cusub u soo Magacaawday Soomaaliya

Xoghayaha guud ee Jamciyadda Qaruumaha ka dhexeysa,Antonio Guterres , ayaa Shalay oo Arbaca ahayd si rasmi ah ugu Magacaabay Soomaaliya Ergey cusub.

Mr, Guterres ayaa Nicholas Haysom oo kasoo jeeda Dalka Koofur Afrika u Magacaabay wakiilkiisa gaarka ah ee arrimaha Soomaaliya iyo Madaxa Xafiiska nabad ilaalinta ee Dalka.

Danjire, Nicholas Haysom ayaa beddelaya Michael Keating oo Xafiiska hayay tan iyo 22-kii November, 2015, kaas oo bedelay ergaygii ka horreeyay ee QM ee arrimaha Somaliya, Nicholas Kay.

Ergeysan cusub ee Xoghayaha QM Soomaaliya u joogi doona ayaa lagu wadaa inuu xilka la wareego horraanta Bisha Octoobar ee Sanadkan 2018-ka.

Nicholas Haysom, ayaa ahaa wakiilka xoghayaha guud ee QM u fadhiya Waddamada Suudaanta Waqooyi iyo tan koofureed wixii ka horreeyay 2016-kii ,wuxuuna sidoo kale kaaliye howl-galka QM ka soo noqday Dalka Afghanistaan.

Nicholas Haysom ayaa ah Qareen ku xeel dheer xallinta khilaafaadka, isagoo aqoon u leh ka shaqaynta arrimaha doorashooyinka, habaynta Dastuurka iyo maamul wanaagga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor