QM oo dib u celinaysa qaxootiga Soomaalida ee xeryaha Dhadhaab

Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka qaxootiga (UNHCR), ayaa maanta ka bilawdey xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, qorshaha ay ku diiwaan galineyso qaxootiga doonaya iney dib uggu noqdaan Soomaaliya.

 

Waxaa kaloo diiwaan gelinta qeyb ka ah kuwa sii joogaya xeryaha Dhadhaab, iyo dadka muwaadiniinta ah ee Kenya u dhashey, balse galey faraha qaxootiga, oo ay tahay in laga saaro magacyadooda liiska qaxootiga.

Qaxootiga ku jira xerada Dhagaxleey, ayaa iyagoo la hadlaya warbaahinta waxaa ay u sheegeen in haatan waxa ka socda xerada aaney aheyn wixii loo sheegay, oo ah in la kala saarayo dadka ku jira xerada, oo kuwii doonaya dibu noqoshada Soomaaliya dib looggu celiyo dalkooda.

 

Haweeney ka hadley xerada Dhagaxleey, ayaa soo dhoweysay diiwaan gelintan, iyadoo sheegtay iney diyaar u yihiin in wixii qaxooti ah la siiyo xaqoodda, si ay dib uggu noqdaan dalkooda, halka wixiimuwaadin Kenya ahna loo aqoon sado Kenyan.

Xeryahan ayaa waxaa la aasaasey 1991-kii, iyadoo mar ay noqotey xerada Dhadhaab xero qaxooti tan dunida uggu weyn.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor