QM oo 18.7 Milyan oo Doollar ku bixisay fatahaadaha dalka

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 18.7 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah ay ku bixiyeen wax ka qabashada fatahaadaha iyo daadadka dhowaan ku dhuftay qeybo ka mid ah Soomaaliya.

War laga soo saaray Xafiiska QM ee Muqdisha ayaa lagu sheegay in dhaqaalahani kor loogu qaadayo  howlaha gargaar fidinta iyo badbaadinta nolosha in ka badan nus Malyuun Qof oo ay saameeyeen fatahaadaha ka dhacay Soomaaliya.

Adam Abdelmoula, oo ah isku-duwaha arrimaha Bini’aadminnimada ee Soomaaliya, ayaa sheegay in lacagaha laga helay Sanduuqa wax qabadka deg-degga Qaramada Midoobay ee (CERF)  iyo Sanduuqa Bani’aadamnimada Soomaaliya ee (SHF) ay Gacan ka geysan doonaan yareynta waxyeellada daadadka iyo fatahaadaha soo noqnoqda.

Isku-duwaha ayaa intaa ku daray in dhaqaalahani uu ku beegmay xilligii loo baahnaa, si loo caawiyo Dadka sida aadka ah u nugul ee ay daadadka iyo fatahaaduhu saameeyeen, kuwaas oo u baahan Hooy, Biyo nadiif ah, Cunto iyo gar-gaar caafimaad.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media