QM iyo Madaxda Qaranka oo u hambalyeeyey Idaacadda Dalsan Radio+Codad

Qaar ka mid ah Madaxda Qaranka iyo Xafiiska QM ee Somalia waxay Madaxda iyo Shaqaalaha Idaacadda Dalsan Radio ugu hambalyeeyeen dabaaldegga sannad-guuradii saddexaad ee la soo wareegtay markii la asasay Dalsan Radio.

Guddoomiyaha Barlamaanka Federallka, Prof. Maxamed Sheekh Osman “Jawaari” ayaa tilmaamatay inay Idaacadda Dalsan ku tallaabsatay horumar la taaban karo.

“Waa Idaacad ay dhidbeen Dhallinyaro, oo aan aad u dhegeysto” ayuu yiri Prof. Jawaari oo intaasi ku daray inay Dalsan Radio tahay Idaacadda keliya ee laga baahiyo Luqadda Maay-maayga,

Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka, Md. Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa isagana u hambalyeeyey Dalsan Radio, wuxuuna tilmaamay inay Idaacadda kaalin ballaaran ka  “qaadato Wacyi-gelinta Bulshadda iyo Horumarka.

Ra’isul-wasaaraha waxa uu Madaxda iyo Shaqaalaha Dalsan Radio ku booriyey inay sii laban-laabaan hawlaha ay u hayaan Bulshadda,

Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Federalka, Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa isagana

codkiisaku biiriyey Hambalyadda loo dirayo Madaxda Idaacadda Dalsan Radio.

Wasiirku waxa uu xusay inay Idaacadda Dalsan ka mid tahay Idaacadaha muhiimka ee sida xooggan loo dhegeysto.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir  waxa uu u hambalyeeyey Madaxda iyo Shaqaalaha Dalsan Radio, wuxuuna waxqabadka Dalsan Radio ku qiimeeyey sidii Idaacad shaqeynaysey muddo 25-sanno ah.

Madaxweynaha Maamul-gobaleedka Khaatumo, Prof. Cali Khaliilf Gallayr ayaa ka mid ah Madaxda kale ee u hambalyeyey Idaacadda Dalsan, wuxuuna ammaanay horumarka lagu tallaabsaday.

Dhinaca kale, Xafiiska QM ee Somalia (UNSOM) ayaa Madaxda Dalsan Radio ugu hambalyeeyey sannad-guuraddii 3-aad ee ka soo wareegtay markii la asaasay Idaacadda.

Mas’uul ka tirsan Xafiiska UNSOM, oo ku hadlayey magaca Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ugu qaabilsan Arrimaha Somalia. Nick Kay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin Horumarka Idaacadda Dalsan.

Sarkaalka waxa uu intaasi ku daray inay soo dhaweynayaan sida ay Idaacadda Dalsan uga qeyb qaataan Barnaamijyadda Nabadda iyo Horumarka Bulshadda.

Si kastaba ha ahaatee, Idaacadda Dalsan Radio oo Xaruteeda Dhexe ku taallo magaalladda Muqdisho, waxay Istuudiyayaal kale ku leedahay magaallooyinka Jowhar iyo Baydhabo.

Madaxda Idaacadda waxay qorshaynayaan  inay bishan gudaheeda Istuudiyayaal lag hirgeliyo magaallo-madaxda Gobalka Hiiraan ee Beled-weyne iyo magaalladda Cadaado ee Gobalka G/gaduud.

F.G:- Muuqaal Video ah oo laga diyaariyey waxqabadka Idaacadda Dalsan Radio, ayaa lagu baahiyey Aaladda YouTube.

Codka Jawaari Halkan ka dhageyso

Codka Aleem Sidique

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor