AMISOM iyo dowlado si kulul u cambaareeyey qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho

Dowladaha Turkiga, Sacuudiga, Baxrayn iyo kuwo kale waxay soo saareen Qoraallo ay ku cambaaraynayaan qaraxyadaasi, waxayna sheegeen inay DFS la garab taagan yihiin sidii wax looga qaban rabshadaha iyo qaraxyadda ka dhaca Somalia.

Bayaan ka soo kala baxay Wasaaradaha Arrimaha Dibedda ee dalalkaasi waxa uu mid kasta si gaar ah u cambaareeyey Qaraxyadaasi sababay dhimashada, dhaawaca iyo burburka.

Waxay si isku mid ah Tacsi ugu direen Qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen qaraxyadaasi, waxay sidoo kale caafimaad degdeg ah u rajeeyeen dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadaasi.

Dhinaca kale, Ergayga Gaarka ee  QM u jooga Somalia, Nicholas Hayson waxa uu cambaareeyey qaraxyadii ka dhacay magaalladda Muqdisho, oo ay ugu yaraan 15 qof ku geeriyooday, 40-meeyo kalena ku dhaawacmeen.

War-saxaafadeed oo uu soo saaray Nicholas Haysom waxa uu ugu baaqay DFS  inay kordhiyaan dadaalkooda ku aadan  La-dagaalanka waxa uu ugu yeeray Colaaha Xag-jirka iyo kuwa mas’uulka ah Dembiyadaasi foosha xun, waa sida uu hadalka u yiri.

Ergayga Gaarka ee  QM u jooga Somalia, Nicholas Haysom waxa uu tacsi u diray qoysaska iyo saaxiibadda ee dadkii ku geeriyooday Qaraxyadaasi, wuxuuna kuwa dhaawacmay u rajeeyey inay ka soo kabtaan dhaawacyadooda..

Sidoo kale, Ergayga Gaarka ee Ururka Midowga Afrika u jooga Somalia, Ambassador Francisco Madeira waxa uu soo saaray War-saxaafadeed uu ku cambaareeyey 3-dii qarax ee habeen hore iyo shalay subax ka dhacay magaalladda Muqdisho, wuxuuna xusay in weeraradaasi lala beegsaday dad rayid iyo ciiddamo ku sugnaa goobo mashquul ah oo ku yaalla bartamaha magaalladda Muqdisho, waa sida uu hadalka u dhigay.

Ambassador Francisco Madeira waxa uu u tacsideeyey qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen qaraxyadaasi, isagoo kuwi iku dhaawacmayna u rajeeyey inay ka soo kabtaan dhaawacyadii soo gaaray.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media