HomeWararQeylo dhaan xoogan oo kasoo yeertay Maamulka Afmadow ee Jubbaland

Qeylo dhaan xoogan oo kasoo yeertay Maamulka Afmadow ee Jubbaland

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Maamulka degmada Afmadow ayaa dadweynaha Jubbaland ka codsaday in ay kaalin ka qataan gurmadka abaaraha baahsan ee kajira dhammaan deegaanada Jubbaland gaar ahaana degmada Afmadow iyo deegaanada hoose yimaada. Abaar baahsan oo dadka iyo duunyada saameyn xoogan ku yeelatay ayaa ka jirta deegaano hoostega degmada Afmadow,  waxaana dadka ku adkaatay nolosha, maadaama la waayay biyihii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maamulka degmada Afmadow ayaa dadweynaha Jubbaland ka codsaday in ay kaalin ka qataan gurmadka abaaraha baahsan ee kajira dhammaan deegaanada Jubbaland gaar ahaana degmada Afmadow iyo deegaanada hoose yimaada.

Abaar baahsan oo dadka iyo duunyada saameyn xoogan ku yeelatay ayaa ka jirta deegaano hoostega degmada Afmadow,  waxaana dadka ku adkaatay nolosha, maadaama la waayay biyihii laga  heli jiray ceelasha.

- Advertisement -

Mas’uuliyiinta degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in abaarta ay ku le’deen xoolihii ugu badnaa oo Lo’ ah, isla markaana waxaa dhulka daadsan haraaga Lo’da, sida lagu arkayey Sawirro laga soo qaaday.

Sidoo kale Mas’uuliyiinta u hadlay Afmadow ayaa dadweynaha Jubbaland iyo hay’adda gargaarka ugu baaqay inay gurmad deg deg ah oo ay ugu horreeyso biyo dhaamin lasoo gaaran dadka yar ee ku haray degmadaas oo ka barakaceen inta badan dadka degaanka.

Si kastaba deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose iyo Gedo ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ka jirta abaaro iyo biyo la’aan baahsan oo saameyn xoogan ku yeeshay dadka iyo duunyada, waxaana dadka ku adkaatay nolosha.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts