• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Sunday, May 11, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Caalamka

Qeylo-dhaan laga keenay Heshiis Qarsoodi ah oo ay kala saxiixdeen DFS iyo Denmark

Bilan Media by Bilan Media
June 14, 2018
in Caalamka, Warar
Reading Time: 3 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Xisbiga Mucaaradka ee Dalka Denmark  ee Social Democrats ayaa sheegay inay u baahan yihiin in Caddaymo laga siiyo Heshiis lala galay DFS, si Qaxootiga Soomaalida ku nool dalkaasi loogu soo masaafurin karo Somalia.

Afhayeenka  Xisbiga Social Democrats ee dalkaasi, Mattias Tesfaye oo la hadlay Telefishinka TV 2 ayaa tilmaamay inay u baahan yihiin caddaynta ku aadan Heshiiskaasi, iyadoo aan la soconin Heshiiskaasi,  isla markaana ay jiraan dad Soomaali ah oo si qarsoodi ah loogu celiyey dalka Somalia.

Waxa uu tilmaamay inay qorsheynayaan inay la xiriiraan Wasiirada Arrimaha Socdaalka ee dalka Denmark Inger Støjberg, si wax looga weydiiyo Heshiiska Qarsoodiga iyo wax haatan socda.

Wasiiradda oo Farriin E-mail ku dirtay jawaabta ayey sheegtay in Heshiiska lala galay DFS uu yahay Heshiis Qarsoodi ah, waxayna diiday inay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo Heshiiska qarsoodiga ee dadka Soomaalida loogu celinayo Somalia.

Xildhibaan oo ka tirsan Isbahaysiga  (ENHEDSLISTEN) ayaa ku baaqay in si hufan loo eego Heshiiska Qarsoodiga ee lala galay DFS.

Xildhibaanka oo lagu magacaabo Nikolaj Villumsen waxa u uHeshiiskaasi ku tilmaamay fal dembi ah, waa sida uu hadalka u dhigay.

Warbaahinta dalka Denmark ayaa sheegtay inay heleen Dukumenti muujinaya Hrshiiska ay  labada Dowladood gaareen, taasi oo lagu xusay in Soomaalida aan haysanin Sharciga Deganaanshaha Denmark in loo masaafuriyo Somalia.

Xildhibaanka waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la isweydiiyo Heshiiska Denmark la gashay DFS, isagoo  isweydiiyey DFS ma tahay Dowlad shaqeysa mise waa Shabakad Dembiile ,waa sida uu hadalka u yiri.

Haweeney Soomaali oo lagu magacaabo  Saynab Iman Shikhow, oo deggan Deegaanka Vollsmose oo u dhow magaalladda  Odense ee dalka Denmark ayaa u sheegtay Telefishinka TV2 in ay Saraakiil ka tirsan Waaxda Socdaalka ee dalkaasi dhowr jeer isku dayeen inay iyada loo tarxiilo Somalia.

Saynab Iimaan Shiikhow ayaa sheegtay in Isku-daygaasi uu xiriir la leeyahay Wiilkeeda oo dalka Denmark laga masaafuriyey.

Si katsaba ha ahaatee, Wargeyska Politiken  waxa uu sannadkii hore qoray inay Dowladaha Denmark iyo DFS ku heshiiyeeen in 12 qof oo ka mid ah Soomaalida aan sharciga ku lahayn Denmark sannad kasta lagu soo celiyo dalka Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay.

Xigasho: thelocal.dk

Previous Post

Dhageyso: Waraka Duhur Ee Radio Dalsan

Next Post

(SAWIRO): Ugu yaraan 2 qof oo lagu dhex dilay Masjid ku yaalla Koonfur Afrika.

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Mas’uuliyiinta SoDMA iyo Gobolka Banaadir oo Ka Shiray Saameynta Roobabkii Xalay ka Da’ay Muqdisho
Warar

Mas’uuliyiinta SoDMA iyo Gobolka Banaadir oo Ka Shiray Saameynta Roobabkii Xalay ka Da’ay Muqdisho

May 10, 2025
Roobab Xooggan oo Sababay Baaqashada Kulankii Golaha Shacabka
Warar

Roobab Xooggan oo Sababay Baaqashada Kulankii Golaha Shacabka

May 10, 2025
BBC
Caalamka

1. Mascuud Azhar: Ninka Colaadda u Horseeday Hindiya iyo Pakistan

May 10, 2025
Roobkii Xalay Ka Da’ay Muqdisho oo Sababay Khasaaro Naf iyo Hanti ah
Warar

Roobkii Xalay Ka Da’ay Muqdisho oo Sababay Khasaaro Naf iyo Hanti ah

May 10, 2025
“Maraykanka oo Ka Soo Horjeestay Qodobadii Shirka Wadatashiga Qaran”
Warar

“Maraykanka oo Ka Soo Horjeestay Qodobadii Shirka Wadatashiga Qaran”

May 10, 2025
BUUG AF-SOOMAALI AH OO LOO QORAY DADKA MAQALKA NAAFADA KA AH.
Bilan Media

BUUG AF-SOOMAALI AH OO LOO QORAY DADKA MAQALKA NAAFADA KA AH.

May 10, 2025
Next Post

(SAWIRO): Ugu yaraan 2 qof oo lagu dhex dilay Masjid ku yaalla Koonfur Afrika.

Turkiye discovers 20 billion barrels of oil in Somalia

Turkiye discovers 20 billion barrels of oil in Somalia

by Dalsan Editor
May 10, 2025
0

Mogadishu, Somalia – In what could be one of the most significant oil discoveries in recent East African history, Turkiye...

Mas’uuliyiinta SoDMA iyo Gobolka Banaadir oo Ka Shiray Saameynta Roobabkii Xalay ka Da’ay Muqdisho

Mas’uuliyiinta SoDMA iyo Gobolka Banaadir oo Ka Shiray Saameynta Roobabkii Xalay ka Da’ay Muqdisho

by Ilhaan
May 10, 2025
0

Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka (SoDMA), Dr. Axmed Cabdi Aadam, ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo...

Roobab Xooggan oo Sababay Baaqashada Kulankii Golaha Shacabka

Roobab Xooggan oo Sababay Baaqashada Kulankii Golaha Shacabka

by Ilhaan
May 10, 2025
0

Kulankii caadiga ahaa ee Golaha Shacabka ee maanta ayaa baaqday, kaddib markii xildhibaannadu waayeen waddooyinkii ay ku tagi lahaayeen xarunta...

BBC

1. Mascuud Azhar: Ninka Colaadda u Horseeday Hindiya iyo Pakistan

by Ilhaan
May 10, 2025
0

Horaantii toddobaadkan, Hindiya ayaa weerar gantaallo ah ku qaaday sagaal goobood oo gudaha Pakistan ah, iyadoo jawaab uga dhigtay weerar...

Turkiye discovers 20 billion barrels of oil in Somalia
English News

Turkiye discovers 20 billion barrels of oil in Somalia

May 10, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Mas’uuliyiinta SoDMA iyo Gobolka Banaadir oo Ka Shiray Saameynta Roobabkii Xalay ka Da’ay Muqdisho
Warar

Mas'uuliyiinta SoDMA iyo Gobolka Banaadir oo Ka Shiray Saameynta Roobabkii Xalay ka Da’ay Muqdisho

May 10, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Roobab Xooggan oo Sababay Baaqashada Kulankii Golaha Shacabka
Warar

Roobab Xooggan oo Sababay Baaqashada Kulankii Golaha Shacabka

May 10, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
BBC
Caalamka

1. Mascuud Azhar: Ninka Colaadda u Horseeday Hindiya iyo Pakistan

May 10, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Roobkii Xalay Ka Da’ay Muqdisho oo Sababay Khasaaro Naf iyo Hanti ah
Warar

Roobkii Xalay Ka Da’ay Muqdisho oo Sababay Khasaaro Naf iyo Hanti ah

May 10, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Maraykanka oo Ka Soo Horjeestay Qodobadii Shirka Wadatashiga Qaran”
Warar

"Maraykanka oo Ka Soo Horjeestay Qodobadii Shirka Wadatashiga Qaran"

May 10, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Turkiye discovers 20 billion barrels of oil in Somalia
  • Mas’uuliyiinta SoDMA iyo Gobolka Banaadir oo Ka Shiray Saameynta Roobabkii Xalay ka Da’ay Muqdisho
  • Roobab Xooggan oo Sababay Baaqashada Kulankii Golaha Shacabka
  • 1. Mascuud Azhar: Ninka Colaadda u Horseeday Hindiya iyo Pakistan

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00