Qeybtii ugu dambeysay Koox Dhallinyaro Somali-Maraykan ku biiri lahaa Daacish oo xukun dheer lagu riday.

Maxkamadda Federalka ee magaalladda  Minneapolis ee dalka Maraykanka waxaa shalay la soo taagay 3 Dhallinyaro Soomaali oo qeyb ka ahayd Koox Dhallinyaro ah oo lagu soo oogay inay ku biiri lahaayeen Kooxda Daacish-ta ka dagaalanta dalka Syria.

Eedeysanayaasha shalay xukunka lagu riday ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed C/xamiid Faarax, C/raxmaan Daa’uud iyo Guuleed Cumar.

Saddexda Eedeysane ayaa la sheegay inay qalab ku taageeri lahaayeen Kooxda Daacish iyo inay qorsheynayeen inay u socdaalaan dalka Syria, kuna biiraan Kooxda Daacish.

Garsoore Michael Davis waxa uu Dhallinyaradaasi ku xukumay Xukunkii ugu muddada dheeraa, marka loo eego xukunadda lagu riday 6-dii Dhallinyarro ee maalmihii Isniinta iyo Talaadada la soo dhaafay la wada xukumay.

guled-omarGuuleed Cumar oo lagu sheegay inuu ahaa Hoggaamiyihii Kooxda Dhallinyarada ee ku biiri lahayd Maleeshiyadda Daacish waxaa lagu xukumay Xabsi 35 sanno ah.

mohamed-abdihamid-farah abdirahman-yasin-daudSidoo kale, Maxamed C/xamiid Faarax iyo C/raxmaan Daa’uud oo 22-jiro ah waxaa lagu kala xukumay min 30-sanno.

Xukunkii shalay ayaa ahaa kii ugu muddada dheeraa, iyadoo xukunaddii maalmihii la soo dhaafay lagu riday 6 Dhallinyaro Somali-Maraykan ah lagu xukumay ilaa 15 sanno oo Xabsi ah.

Dhinaca kale, Saraakiisha Waaxda Dembi-baarista Federalka Maraykanka ee FBI ayaa sheegay inay dhowrkii sanno ee la soo dhaafay ay Tobaneeyo Dhallinyaro ka tageen Gobalka Minnesota, kuna biireen Maleeshiyadda Daacish-ta ka dagaalanta dalka Syria.

Gobalka Minnesota waxaa ku nool 5,700 oo Soomaali, waana Jaalliyadda ugu tirade badan ee Soomaalida ku sugan  guud ahaan dalka Maraykanka.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor