Qaxootiga Soomaalida ku jirta Xeradda Dhadhaab ee  ku soo laaban lahaa Muqdisho iyo Jubbaland oo la hakiyey.

Duullimaadyadii Diyaaradaha ee lagu soo daad-gureynayey Qaxootiga Soomaalida ee iskooda ugu soo laabanayo magaalladda Muqdisho ayaa la hakiyey sababo dhinaca Ammaanka.

Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa qoray in la hakiyey Qaxootigii laga soo qaadayey Xeradda Dhadhaab ee lagu soo celinayey magaalladda Muqdisho iyo Deegaanadda Jubbaland.

Sarkaalka Warfaafinta ugu qaabilsan Xafiiska Hay’adda Hay’adda QM ug uqaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHHCR) ku leeyihiin Kenya, Duke Mwencha ayaa sheegay in Dib-u-celintaasi la bilaabi doono isla marka ay soo hagaagto xaalladda Ammaanka ee magaalladda Muqdisho.

Duke Mwencha waxa kale oo uu sheegay inay Qaxooti badan saxiixeen in Dib-u-dejin looga sameeyo Deegaanadda Jubbaland, kadib, markii ay Hay’adda UNHCR Wada-xaajood Frasamo la galeen Maamulka Jubbaland, si Qaxootiga loogu oggolaado inay soo laaban karaan Degaanadda Jubbaland.

Bishii August 31-dii, ayuu Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland sheegay inaysan qaabili doonin ilaa 2,000 oo Qaxooti u badan Haween iyo Carruur, kuwaasi oo dhowr maalmood ku xarirnaa Xuduudka Kenya la wadaagaan Somalia.

Dhinaca kale, Qaxootiga Soomaalida ee ka soo laabanayo Xeradda Dhadahaab ayaa waxaa ku jira kuwo doonaya inay ku soo laabtaan magaallooyinka Muqdisho, Kismaayo, Jowhar, Beled-weyne, Baydhabo iyo Luuq.

Toddobaadkii la soo dhaafay, Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in Barnaamijka Dib-u-celinta Qaxootiga Soomaalida ee ka laabanayo Xeradda Dhadhaab uu hareeyey Cabsi-gelin iyo Qaxootiga la siiyo Warbixino been ah, isla markaana uusan Barnaamijkaasi ahayn mid Heer Caalami oo ay Qaxootiga iskooda ugu laabanayaan dalkooda Hooyo.

 ©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor