Qaxooti Yameniyiin ah oo soo gaaray Magaalada Berbera

Magaalada Berbera ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay qaxooti Yemeniyiin ah oo ka soo cararay colaadda ka taagan dalkaaasi, kuwaasi oo nolol dhaanta midda ay dalkooda ay ku haysteen u soo raadsaday degaanada Somaliland.

Mas’uuliyiin ka titsan Xukuumadda Somaliland ayaa dekedda Berbera ku soo dhowaysay qaxootiga, waxaana tiradoodu ay gaareysaa 177 qof oo qaxooti Yemeniyiin, kuwaasi kasoo cararay dhibaatooyinka ka taagan dalkooda.

Mas’iiliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland ayaa sheegay in ay dib u dejin u sameyn doonaan dadkaasi qaxootiga ah, waxaana ay ka kooban yihiin Haween, Carruur aad u da’yar iyo Rag.

Dalka Yamen ayaa ka mid ah waddamada carbeed ee ay calaaduhu la degeen, waxaana dalkaasi ka barakacay shacab aad u tiro badan, kuwasi oo waddamada dariska nolol u raadsaday, maaddama xaaladda nololeed ee dalkaasi ay tahay mid aad u adag.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor