Qaxooti u dhashay dalka Yemen oo lagu dilay Boosaaso

Wargeyska Akhbaar Al-yeman ee ka soo baxa dalka Yemen ayaa qoray in Marxuumkaasi oo la oran jirey Cisadiin Axmed Cali la dilay, kadib, markii uu muran dhex maray isaga iyo mid ka mid ah Ilaaladda u diiwaan-gashan QM ee ka hawl-gala Xerada Qaxootiga ee magaalladda Boosaaso.

Waardiyaha ayaa la sheegay inuu Marxuumka 3 xabbadood kaga dhuftay Madaxa, Garabka iyo Caloosha, taasi oo uu u geeriyooday.

Qareen C/raxmaan Barmaan oo u dhashay Yemen, balse ku nool dalka Maraykanka waxa uu Bartiisa Twitterka soo dhigay Sawirka maydka Marxuumkaasi oo dhulka yaalla, isla markaana uu dhiig badan ka qulqulayo.

Dhinaca kale,  Guddiga Sare ee  Jaalliyadda Guud ee Yemeniyiinta ku nool dalalka Caalamka waxay soo saareen Bayaan ay ku cambaareynayaan dilka loo geystay mid ka mid ah Qaxootiga Yemeniyiinta ku nool magaalladda Bosaaso.

Bayaankaasi oo uu ku saxiixnaa Xoghayaha Guud ee Guddiga Sare ee Jaalliyadda Yementa ku nool Caalamka, Maqbuul Amiin Al-rufaaci waxa lagu sheegay inay QM iyo Maamulka Puntland qaadayaan mas’uuliyadda Guud ee dilkaasi, waxayna ku baaqeen in Gcaan-ku-dhiiglaha la hor geeyo Sharciga, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Si kastaba ha ahaatee, QM iyo Maamulka Puntland weli kama aysan hadlin dilkaasi loo geystay mid aka mid ah Qaxootiga Yemeniyiinta  ku noolaa Xeradda Qaxootiga ee QM maamusho ee ku yaalla magaalladda Bosaaso.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media