Qaxooti Soomaali ah oo ku nool dalka Britain oo loo soo masaafirinayo laba ka mid ah Wadamada Afrika

Xafiiska Arrimaha Gudaha ee dalka Britain ayaa ku gacan-sayray inay Soomaalida Baajuunka u aqoonsadaan magangelyo-doon.

Wargeyska Vice News ayaa qoray in dadka Baajuun-ta ee doonaya inay magangelyo ka helaan dalka Britain ay suurto-gal tahay inay wajahaan in loo masaafuriyo Kenya iyo Tanzania oo aysan wax Qoys ama xiriir ah ku lahayn.

Xafiiska Arrimaha Gudaha ee Britain ayaa diidan inay dadkaasi u aqoonsadaan Somali ahaantooda, sababo la xiriira Natiijadda Imtixaanka Luqadda Soomaaliga ee laga qaaday.

Wargeyska ayaa qoray in dadka Baajuun-ta ee ay la hadleen u sheegeen in Go’aanka Waaxda Arrimaha Dibedda Britain lagu saleeyeyey Wareysiyadii Luqadda ee lala yeeshay iyo iyagoo loo sheegay inay ku hadlaan Luqadda Sawaahliga ama tan Afkooda Hooyo ee Kibajuni.

Dhinaca kale, dadka Soomaalida ee Baajuunta ee ku nool dalalka Jarmalka, Holland iyo Jamhuuriyadda Ireland ayaa la sheegay inuu culays noocaasi ah soo wajahay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media