Qaxooti Somali oo afduub iyo dhaawac ka geystay New Zealand oo codsaday in la cafiyo

Zakariye Mohamed Hussien oo ah Qaxooti Somali aan shaqo haysanin ayaa  codsaday in laga cafiyo xukun uu horey ugu muteystay dhaawac uu u geystay gabar u dhalatay dalkaasi.

Ninkaasi ayaa sheegay inuu Shaydhaanku duufsaday, markii uu falkaasi geysanayey bishii March 15-dii ee sannadkii 2012-kii.

Boliska ayaa la sheegay inay gacanta ka toogteen Eedeysanaha oo 29- jir ah, kadib, markii uu toorey ku dhuftay haweeney lagu magacaabo Marteine Robin, oo dareewal ka ahayd Gaariga loogu tala galay in lagu qaado Adeegyadda.

Eedeysanaha waxaa horey loogu xukumay xabsi 6 sanno iyo bar.

Dhinaca kale, Guddiga Cafiska (the Parole Board ) waxay ka gaabsadeen inay ka aqbalaan cafiska, balse waxay  sheegeen inuu helayo daaweyn dhamaystiran

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor