Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari gaaray qoysas farabadan oo kasoo cararay Colaadaha daba-dheeraaday ee ka jira dalka Yemen, kuwaasi oo soo dhaweyn loo sameeyay.
Qoysaska Qaxootiga ah oo isugu jiray Soomaali iyo Yemeniyiin ayaa waxaa Dekadda Boosaaso kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland, waxaana tiro ahaan ay gaarayeen 75 qoys.
Mas’uul ka tirsan Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in qoysaska Cusub ee Qaxootiga ah lagu heyn doono xarunta qaabilaadda ee Qaxootiga, isla markaana dib u-dejin loo samayn doono.
Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa tilmaamtay in doonta siday Qaxootiga kasoo cararay Colaada Yemen ay noqoneyso midii labaad ee todobaadkan soo gaarta Magaalada Boosaaso.
Muddooyinkii u dambeeyay dowlad Goboleedka Puntland oo garab ka heysa hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UHCR iyo hay’adda Socdaalka Dunida ee IOM ayaa qaabilayay Qaxooti kala duwan oo kasoo cararay Colaada ka jira dalka Yemen.