Qatar oo shaacisay Lacagta ay ku dhiseyso Dekadda Hobyo

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis ku aadan fulinta Dhismaha Dekadda Hobyo ee Gobolka Mudug.

Dowladda Qatar ayaa ku dhawaaqday inay si rasmi ah u fulin doonto Mashruuca lagu dhisayo Dhismaha Dekadda Hobyo,kadib markii Muqdisho ay Shir Jaraa’id ku qabteen Wasiirka gaadiidka dowladda Soomaaliya iyo Wasiirka gaadiidka Qatar.

Sidoo kale Mashuuca lagu dhisayo Dhismaha Dekadda Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa ku baxaya lacag dhan 174 Milyan oo Dollar.

Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa soo gaaray Wasiirka arrimaha dibadda ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani iyo wafdi uu hoggaaminayo oo qayb ay ka ahaayeen Wasiirka wasaaradda gaadiidka, isgaarsiinta iyo dekada dawladda Qatar, Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo xubna ka tirsan golaha wasiirrada ayaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan kusoo dhaweeyay wafdiga ka socda Qatar ee booqashada ku yimid magaalada Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media