Ku-xigeenka RW, ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Qatar, Sheekh Maxamed Bin C/raxmaan Al-thaani ayaa waxaa uu la kulmay Ergayga khaaska ee Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqa-sooranka ee Dowladda UK ugu qaabilsan Arrimaha Qaaradda Afrika.
Twitter-ka Wakaalladda Wararka Qatar ee QNA ayaa lagu sheegay inay Labada Mas’uul isla gorfeeyeen dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee xaaladaha Somalia iyo Suudan.
Ku-xigeenka RW, ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Qatar iyo Ergayga khaaska ee Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqa-sooranka ee Dowladda UK ayaa sidoo kale ka wada hadlay khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dhaceysa.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Qatar ayaa lagu sheegay inay Labada Mas’uul kulan ku yeesheen Caasimadda dalkaasi ee Doha.
Dowladda Qatar waxay galaangal Siyaasadeed ku dhex leedahay Arrimaha Siyaasadda ee dalalka Somalia iyo Sudan, waxaana wafdi ka socda Qatar ay ku sugan yihiin Caasimadda dalka ee Muqdisho, iyagoona ka wada kulamo siyaasadeed oo ku aadan doorashada.
Ergeyga ka socda Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani ayaa kulamo kala duwan la qaatay Madaxda dowladda Federaalka, Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Midowga Musharaxiinta, waxaa Qatar ay muujineysaa sida ay uga go’an tahay taageerida doorasho nabdoon ah oo dhacda.