Qareen Falastiini ah oo laga musaafuriyay Israa’iil kadib markii lagu eedeeyay falal Argagaxiso

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Israa’iil ayaa sheegtay in ay dalkeeda ka musaafurisay qareen falastiini-faransiis ah oo u doodayay xuquuqda aadanaha, kaddib markii ay ku eedaysay inuu halis ku yahay ammaanka.

Salah Hamouri, oo 37 jir ah, ayaa  booliisku ku dareen diyaarad ku socotay Faransiiska, sida ay wasaaraddu sheegtay.

Ninkan oo horraan ku noolaa magaalada Quddus, ayaa laga xayuubiyay xuquuqdii degenaanshiyaha kaddib markii ay saraakiishu ku eedeeyeen inuu ka tirsan yahay urur argagixiso.

Mr Hamouri ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay, kooxaha u dooda xuquuqda ayaa cambaareeyay tallaabada israa’iil.

Hase yeeshee war qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha ayey ku sheegtay in Mr Hamouri uu abaabulayay oo uu qorsheeyey weeraro argagixiso oo ka dhan ah muwaadiniinta iyo Israa’iiliyiinta caanka ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor