Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo xoogan oo xalay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho. Qaraxyadan, oo ahaa kuwo is xig-xigay, ayaa lala beegsaday goobaha ganacsi ee ku yaalla suuqyada waaweyn ee deegaankaasi, iyagoo sababay burbur xooggan oo gaaray ganacsiyada.
Goobaha ganacsiga ee qaraxyadu saameeyeen ayaa intooda badan dab qabsaday, taasoo keentay in ganacsiyo badan ay gabi ahaanba gubtaan. Wararka qaar ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay toos u beegsatay goobahaasi ganacsi, kadib markii lagu amray inay xiraan Caamirooyinka qarsoon ee CC TV.
Xaaladda deegaanka ayaa weli kacsan, iyadoo ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ay goobta ku sugan yihiin, iyagoo baaritaano dheeraad ah ka wada halkaasi. Qaraxyadan ayaa imanaya xilli dhowaan deegaanka Ceelasha Biyaha ay ka dhaceen weerarro kale oo loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.Faahfaahin dheeraad ah ayaa la sugayaa, iyadoo xaaladda amni ee halkaasi weli kacsan tahay.