Qaraxyo ruxay Dekedda muhiimka ah ee Ukraine, kadib heshiiskii Kyiv iyo Moscow

Qaraxyo ayaa ruxay dekedda muhiimka ah ee Ukraine maalin uun ka dib markii Kyiv iyo Moscow ay gaareen heshiis taariikhi ah oo ogolaanaya in dib loo bilaabo dhoofinta badarka sida hadhuudhka.

Taliska ciidamada Ukraine ee koonfurta ayaa sheegay in labo gantaal oo Kalibr ah ay ku dhaceen magaalada dekedda leh ee Odesa , halka labo kalena ay soo rideen nidaamka difaaca cirka.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Ukraine oo la yirahdo Oleksiy Honcharenko, ayaa ku qoray Telegram in dekadda magaalada uu dab qabsaday weerarka kadib.

Sida ku cad heshiiskii ay kala saxiixdeen labada dal, Ruushku wuxuu ogolaaday in aan la bartilmaameedsan dekedaha inta shixnadaha hadhuudhka ah ay ku sii socdaan.

Qaramada Midoobay ayaa heshiiskaa ku tilmaantay “iftiin rajo” ka dib colaadda dalkaas oo barakac, dhimasha iyo burbur hantiyeed geysatay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor